Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inay maanta wada hadal yeeshaan.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska.
Macron ayaa la rajeynayaa inuu Putin kala hadlo halka uu marayo diyaar garowga ku aaddan qorsho la xiriira gargaarka.
Qorshahan ayaa looga gol-leeyahay in lagu soo daadgureeyo shacabka ku xanniban magaalada ay weerrarada militari ee xukuumadda Moscow ay gu’doomiyeen ee Mariupol ee dalka Ukraine.




