Macallin iyo qof mas’uul ah oo lagu dilay Hulugho ee ismaamulka Garissa

0
208

Kooxo dablay ah ayaa xalay xili dambi ah degmada Halugho ee ismaamulka Garissa ku dilay macalin iyo guddoomiye xaafadeed.
Dagaalyahannada Al Shabaab oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka.
Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Steve Musili halka guddoomiye xaafadeedkana lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Gani.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ijara Abdi Ali Abdi oo ka hadlay dhacadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxda Al Shabaab ay si arxan darro ah u disho macalinka iyo mas’uulka deegaanka.
Waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskooda, asxaabtooda isagoona Chief Abdifatah ku tilmaamay inuu ahaa tiir hoggaamineed iyo inay ka go’need adeeg u fidinta dadkiisa halka Macalin Stephen uu ku sheegay inuu ahaa iftiin aqooneed, carruurtana siinayay mustaqbal waxbaarsho.
Waxaana si xooggan oo aan mugdi ku jirin u cambaareynayaa weerarkan foosha xun ayuu yiri mudanaha Ijara.
Bartilmaameedka hoggaamiyeyaasha bulshada iyo barayaasha waa weerar lagu qaadayo maamulka, waxbarashada iyo aasaaska mustaqbalkeenna ayuu yiri xildhibaana Abdi Ali.
Waxaa uuna ugu baaqayaa ciidamada amniga inay si degdeg ah u soo qabtaan dambiilayaasha cadaaladna u horgeeyaan sido kalena u xoojiyaan ilaalinta bulshooyinka nugul.
Dhankeeda Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Udgoon Siyaad ayaa uga tacsiyadaysay qoyska dadkii kaga dhintay weerarka
Dhacdadan ayayna ku tilmaantay mid murugo leh.
Si kastaba ahaate Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgal uu socdo.