Macallimiinta iyo waalidiinta oo looga digay diiwaangelinta ardayda Grade 7 ee imtixaanka KCPE ee sanadkan

0
301

Guddoomiye ku xigeenka dowlad dhexe ku matala magaalada Garissa Solomon Chesut ayaa uga digay macallimiinta iyo waalidiinta in ardaydii dhameeyay sanadkii hore imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee Grade 6 ay u gudbiyaan fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee hoos yimaada manhajka waxbarasho ee 8-4-4.
Mr. Chesut oo hadal ka jeediyay dugsiga sare ee Garissa High School oo ay ka socotay daahfurka barnaamijka deeqda waxbarasho ee bankiga Equity ayaa sheegay in uu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ee deegaanka, kuwaas oo doonaya in ardaydii sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KPSEA ay sanadkan u diiwaangeliiyaan ardayda u fadhiisanaya imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee KCPE.
Aradayda dhameeyay fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa dhawaan ku biiray fasallada hoose ee dugsiga sare ee Junior secondary.
Guddoomiye ku xigeenka dowlad dhexe ku matala magaalada Garissa ayaa xusay inay jiraan waalidiin gacan saar la leh macallimiinta, si qaar ka mid ah ardayda u geeyaan fasalka Siddeedaad.
Waxaa uu uga digay macallimiinta inay shaqooyinkaadi waayi doonaan haddii ay ku dhaqaaqaan falal sharci darro ah.
Mr. Chesut ayaa xusay in hayaan liis ay ku qoran yihiin qaar ka mid ah dugsiyada magaaladaasi oo wada qorshahan.
Waxaa uu intaasi ku daray in magacyada dugsiyadan ay u gudbiyeen hay’adaha dambi baarista si tallaabo dheeraad ah looga qaado.