Macalimiinta oo dalbaday in la kala saaro fasalada hoose ee dugsiga sare iyo dugsiga hoose iyo kan sare

0
404

Ururka Macalimiinta Waxbarashada Hoose ee (KUPPET) ayaa ugu baaqay dowladda in ay si buuxda ay isku maamulaan fasalada hoose ee dugsiga sare ayna ka soocaan dugsiyada hoose iyo kuwa sare.
Ururka macallimiinta ayaa dalbanaya in la sameeyo hab maamul oo gaar ah oo loogu talagalay ardayda fasalada JSS-ka, oo ka duwan dugsiga hoose ay hadda ka mid yihiin.
Macalimiinta ayaa Sabtidii shalay ku dooday in talaabada ay Xukuumada ku dejisay fasalada JSS gudaha Dugsiyada Hoose ay abuurtay jahawareer, gaar ahaan arrimaha khuseeya howlaha manhajka iyo doorarka maamulka.
Sida laga soo xigtay macalimiinta, fasalada JSS-ka ma u gudan karaan howlahooda waxbarasho si wax ku ool ah marka ay deggan yihiin mid ka mid ah dugsiyada hoose ama sare.
Iyagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Machakos, macallimiinta JSS ayaa sidoo kale ka xumaaday isku dheelitirnaanta culeyska shaqada, iyagoo ku andacoonaya in qaarkood ay sameyaan illaa 45 cashar toddobaadkii.
Waxaa ay xuseen in isku dheelitirnaanta shaqadooda ay aad u culus tahay marka loo eego dhigooda dugsiga hoose, kuwaas oo ay ku andacoonayaan in ay qabtaan oo kaliya ilaa 24 cashar todobaadkii.
Macallimiinta JSS ayaa intaa ku daray in iswaafaq la’aanta shaqada macalinimo ay tahay mid aan cadaalad ahayn oo aan la sii wadi karin.
Barayaasha ayaa waxaa kaloo ay ku doodeen in kala saarista JSS-ka iyo dugsiyada Hoose ay muhiim u tahay ilaalinta mustaqbalka Waxbarashada ku salaysan kartida (CBE).
Hadalka macallimiinta ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii xoghayaha guud ee KUPPET Akello Misori uu soo jeediyay soo hadal la mid ah intii lagu jiray kulan ka dhacay Aqalka Madaxtooyada, kaasoo uu madaxweyne William Ruto ka qaybgalay.