Maanta oo la filaya in maxkmadda la soo taago ninkii ka dambeeyay toogashada xildhibaanka Kasipul

0
424

Waxaa maanta oo isniin ah la filayaa in maxkamada JKIA la soo taago ninkii ka dambeeyay toogashada xildhibaankii deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Isaac Kuria, laguna naaneyso “Kush” ayaa laga soo qabtay deegaanka Isebania oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Tanzania, xilli uu qorsheynayay inuu dalka ka baxsado.
Kuria, oo sida la sheegay lala xiriirinayo shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Nairobi, ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugnaa bartmaha caasimada dalka ka hor inta uusan u baxsan Narok.
Kaameerada Qarsoon ee CCTV-da ayaa lagu arkay eedeysanayaa oo la socda dhaqdhaqaaqa xildhibaankii geeriyooday ka hor inta uusan fulin toogashadiisa.
Ilaa 11 qof ayaa xabsiga ugu jiraa dhacdadan.