Kenyaanka ayaa loogu baaqay in ay soo bandhigaan hindisehooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee (GBV) oo ay ku jiraan dilalka loo gaysanayo haweenka laga bilaabo Isniinta maanta ah.
Koox loo sameeyay inay qiimeeyaan, dib-u-eegis ku sameeyaan, oo ay ka soo talo bixiyaan tallaabooyinka lagu xoojinayo siyaasadda, jawaab-celinta sharciga iyo hay’adaha ee GBV oo ay ku jiraan dilalka haweenka gudaha dalka ayaa qabanaya shirar dadweyne laga bilaabo isniinta maanta ah ilaa 28-ka bishan May, ee gobolada si waafaqsan shuruudaha dastuuriga ah.
War qoraal ah oo ay soo saartay ku xigeenkii hore ee madaxa caaalada ee dalka Dr Nancy Baraza ,iyadoona hogaaminaysa kooxda farsamada ayaa sheegtay in Barnaamijka aragtida dhageysiga dadweynaha ee ku aadan xadgudubyada dumarka laga bilaabi doono ismaamulada Taita Taveta, Garissa, Marsabit, Embu, Samburu, Kisumu iyo Trans Nzoia .
Talaadada, waxay u sii gudbi doonaan Kirinyaga, Laikipia iyo Narok ka dibna abracada Mombasa, Isiolo, Kitui, Nyandarua, Nyeri, West Pokot iyo Vihiga.
Khamiista, waxaa ay booqan doonaan Dowlad deegaanada kala ah Meru, Nakuru, Murangá iyo Bomet ka dibna waxay ku soo gabagabeynayaan Kwale, Makueni, Nandi, Kericho, Kakamega iyo Nyamira.
Barnaamijkan ayaa loo sameynayaa si looga jawaabo dilalka iyo tacadiga ka dhanka ah haweenka iyo Gabdhaha,kaas oo ku xad-gudbay xuquuqaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, oo ay ku jiraan xuquuqda nolosha, sharafta aadanaha, sinnaanta, xorriyadda takoorka, iyo amniga qofka.
Dhankiisa madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xusay in xadgudubyadan foosha xun ay halis ku yihiin amniga qaranka iyo xasi Madaxweynaha dalka Finland oo booqasho ku yimid Kenya