Maanta dunida iyo dalka waxaa laga xusayaa maalinta raadiyaha adduunka, waana maalin sida ay sheegayso hay’adda qaramada midoobey ee tacliinta iyo hiddaha ee UNESCO loo asteeyay in la maamuuso raadiyaha.
Xuskan ayaa sanad kasta dhaco taariikhdu marka ay tahay 13-ka bisha Labaad oo maanta ku beegan.
Maalinta raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar iyadoo markii ugu horreysay la billaabay sanadkii 2012-kii.
Qaramada midoobey ayaa maalintan u asteeysay ama ugu talo gashay in la dhiirrigeliyo ahmiyadda raadiyaha.
Hal ku dhigga xuska maalinka raadiyaha ee sannadkan ayaa ah raadiyaha iyo nabadda.
Hay’adda UNESCO ayaa sheegaysa in sida ay tilmaamayaan warbixinno badan oo caalami ah, in raadiyaha uu weli ka mid yahay warbaahinta loogu kalsoonida badan yahay dunida oo ayna fududahay in lagu xirnaado.
Idaacadaha ayaa u adeegga bulshooyin kala duwan, iyaga oo tabiyo barnaamijyo, warar, aragtiyo iyo nuxur ka tarjumaya nolosha dadka ku xiran dhageysigooda.
Happening now: #WorldRadioDay2023 celebrations where we will also be launching the State of Kenya's Media in 2022 Report. pic.twitter.com/lzwphRP3hQ
— Media Council of Kenya (@MediaCouncilK) February 13, 2023