Saraakiisha Booliska ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha xashiishka ah oo ay ku soo qabteen labo howlgal oo amni oo kala duwan oo laga sameeyay Magaalooyinka Ahero iyo Isiolo, taasoo guul weyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha.
Magaalada Ahero, askar roondo ku jirtay ayaa qabtay mooto looga shakiyay in ay siday daroogo.
Warbixin ay soo saartay booliska ayaa lagu sheegay in ninkii waday mootada uu ka dhaga adaygay amar lagu siiyay inuu istaago, wuxuuna u dhaqaaqay dhanka deegaanka Kamiindubi halkaasi oo uu kaga tagay mooto iyo boorsooyin isagoona lugta ku baxsaday.
Baaritaan dheer ka dib, afar jawaan oo ay ka buuxeen maandooriyaha xashiishka ah ayaa u suurta gashay in laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigaan.
Booliska ayaa tan iyo markii ay bilaabeen baaritaanada hawlgalka ah waxaa ay u soo qabteen eedeysane kaasi oo maxkmadda la soo taagi doono.
Magaalada Isiolo, saddex tuhmane ayaa loo qaabtay daroogo iyo lacag caddaan ah oo la rumeysan yahay in ay ka heleen ka ganacsiga xashiishka.