Maandooriye lagu burburiyey Busia

0
98

Waxaa degmada Alupe ee ismaamulka Busia lagu burburiyey nooca daroogada ee loo yaqaano heroin oo qiimo ahaan dhan 11.8 milyan oo shilin.
Garsooraha maxkamadda Busia ,Edna Nyaloti ayaa arrintan goobjoog ka ahayd.
Tani ayaa timid ka dib amar maxkamadeed oo la xiriiray in la burburiyo 3,936 garaam oo maandooriyaha ah oo lagu qabtay Mumbi Mwaura.
Ninkan ayay maxkamaddu ku ganaaxday lacag dhan 50 milyan oo shilin oo haddii uunan bixin la xiraya muddo 50 sano ah.
Amarkan ayaa la soo saaray 18-kii bishii Saddexaad ee sanadkan.
Waxaa sidoo kale la burburiyey xashiish ah ilaa 337.2 kiilogaraam oo qiimihiisa lacageed lagu sheegay qiyaastii 10 milyan.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in tani ay muujinaysa sida ay dowladdu uga dhabeynaysa dagaalka ka dhanka ah balwadda.