Ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria ayaa raadinaya in ka badan 20 gabdhood oo arday ah oo la afduubtay Arbacadii.
Tani ayaa timid ka dib weerar ay rag hubeysan ku qaadeen dugsi iyo kaniisad iyagoo halkaasi ku dilay labo qof.
Wasaaradda warfaafinta ee Nigeria ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ee waddankaasi heegan sare la geliyay.
24-ka gabdhood ee la raadinayay ayaa dhiganayay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Maga ee gobolka Kebbi, Waqooyiga Galbeed ee Nigeria.
Maamullada ayaa sheegay in hal gabadh ah ay soo baxsatay iyadoo dhanka kale la dilay maamule ku xigeenkii dugsiga.




