Maamulka SHA oo beeniyay in shaqada laga eryay qof shaaca ka qaaday fadeexad

0
161

Maamulka caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ayaa beeniyay sheegashada ururrada xirfadlayaasha ee ah in Andrew Kipkurui Rotich uu waayay shaqadiisa ka dib markii ay soo shaac baxday fadeexad balaayiin shilin ah oo saameysay hannaanka daryeelka caafimaad ee waddanka.
Guddoomiyaha guddiga maamulo SHA Dr. Cabdi Maxamad ayaa bayaan uu xalay fiidkii soo saaray ku caddeeyey in Rotich uu weli ka mid yahay shaqaalaha dowladda isagoo ah sarkaal sare.
Waxaa uu intaasi ku daray in Rotich uunan codsan xilka ku xigeenka agaasimaha hanti dhowrka maxalliga ah.
Machadka xisaabiyaasha dadweynaha ee la aqoonsan yahay ee dalka ICPAK iyo machadka hanti dhowrayaasha maxalliga ee IIA Kenya ayaa walaac ka muujiyey in Rotich aan lagu darin liiska codsadayaasha u tartamayay xil sare.
Waxay dalbadeen in arrintaasi lagu sameeyo baaritaan qoto dheer.
Maamulka caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ayaa howlaha shaqaaleysiinta ku tilmaamay mid cadaalad ah oo daahfuran oo keliya la tixgeliyo shakhsiyaadka soo codsado jagooyinka bannaan ee la xayaysiiyay.