Maamulka qaran ee gaadiidka oo howlgallo wado

0
272

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee (NTSA) ayaa xoojiyay dadaalladiisa uu ku xaqiijinaya u hoggaansanka xeerarka taraafikada .
Waxaa guud ahaan wadanka ka socdo howlgallo looga gol-leeyahay xaqiijinta badqabka kenyaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay dhacdooyinka shilalka waddooyinka ee ka dhacay gudaha dalka.
NTSA ayaa howlgalladeeda si gaar ah ugu bartilmaameedsanaysa wadayaasha kaxeynayay baabuurta ee uu ka dhacay leesinka darawalnimo iyo caymiska.
Sidoo kale waxaa la bartilmaameedsanaya shaqaalaha gaadiidka ee aan sidan wax lagu aqoonsan karo iyo gawaarida aan lahayn adeegga xakameeya xawaaraha.
Dhimashada ka dhalatay shilalka ee wadanka ayaa sare u kacday boqolkiiba 7.
Intii u dhexeysay bishii Koowaad ilaa iyo 20-kii bishii Saddexaad ee sanadkan waxay NTSA sheegtay in ay shilal ku dhinteen 1,026 oo qof.
Tiradan ayaa muddadan oo kale sanadkii hore ahayd 959 ruux.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ayaa shilalka u aaneeyay ku xadgudubka xeerarka degsan ee waaxda taraafikada.