Maamulka qaran ee qaabilsan howlaha dhismaha ee (NCA) ayaa shaaciyay in la hakiyay sii wadidda dhisidda dhisme ka koobanaa 7 dabaq oo dhawaan ku dumay deegaanka Rongo ee ismaamulka Migori.
Waxaa ay NCA sheegtay in ay sameyn doonto baaritaanno lagu xaqiijinaya sababta keentay in gurigaasi uu soo dumo.
Agaasimaha fulinta ee maamulkan Maurice Akech ayaa bayaan ku sheegay in ay go’aan qaateen ka dib markii uu soo baxay walaac dhanka qaab-dhismeedka ah.
Bayaanka waxaa lagu xusay in qiimeyn dheeraad ah la sameyn doono si loo ogaado tallaabooyinka xiga ee la qaadi kara.
Goobta uu burburka dhismaha ka dhacay oo xirnayd xilliga uu dumay ayaa waxaa la sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo kala ahaa waardiyihii goobta iyo labo carruur ah.