Maamulka Puntland oo sheegay qofkii aan anshuurta bixin inuu shabaab la mid yahay

0
317

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in macalimiinta Iskuulada looga baahan yahay inay si deg deg ah ku bixiyaan lacagaha Canshuuraha ah ee ku waajibtay.
Waxaa uu tilmaamay in maamulayaasha Iskuulada kuyaal degaannada maamulka Puntland ee diida bixinta lacagta Canshuurta ah ee laga doonayo inay ula mid yihiin Ururka Al-Shabaab.
Xasan Shir Abgaal wasiirka maaliyada maamulka Puntland waxaa uu intaasi kudaray in maamulayaasha Iskuulada aan sidoo kale aqbaleyn markii la weeydiiyo lacagta Canshuurta inay fidno abuuraan oo Ardayda fasaxaan, iyagoo sheegaya in lacag sharci darro ah laga rabo, kuwaasoo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland waxaa uu Xusay in dadka diidan Canshuurta ay yihiin dad aan rabin dowladnimo, isla markaana ay lamid yihiin Ururka Al-Shabaab.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay cabasho muujiyeen maamulayaasha Iskuulada iyo Gaadiidleeyda ka howlgalla degaannada maamulka Puntland kuwaasoo ka cabanaya lacago laga doonayo inay bixiyaan.