Maamulka qaabilsan xakameynta shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga ee (PSRA) ayaa guddi u saaray inuu baaritaano dhanka hanti dhowrka ah ku sameeyo lacagaha ay ilaallada gaarka ah ku biiriyaan daladda ururrada shaqaalaha ee COTU.
Waxaa guddigan soo magacaabay agaasimaha guud ee maamulka PSRA, Fazul Maxamad.
Baaritaannada ayaa lagu eegaya saddexdii sano ee ugu dambeeyay.
Warqad uu u qoray agaasimayaasha shirkadaha ilaallada gaarka ah ayuu uga dalbaday in ay soo gudbiyaan warbixinno faahfaahinaya lacagihii 36-dii billood ee la soo dhaafay laga jarayay mushaarka saraakiishan ee lagu wareejinayay COTU.
Fazul ayaa ku adkeysanaya in COTU ay dayacday waajibaadkii ka saarnaa u ololeynta xuquuqda ilaalada gaarka ah ee dalka in kastoo ay lacago ku biiriyaan.
Waxaa uu shirkadaha ilaallada gaarka ah u qabtay muddo saddex cishe ah oo ay warbixinno kula wadaagayaan guddiga hanti dhowrayaasha ah ee ay hoggaaminayaan Phillip Okello iyo Clinton Ingulula.
Agaasimaha maamulka PSRA, Fazul Maxamad ayaa wacad ku maray in cidii ka gaabiso fulinta amarka la siiyay laga qaadi doono tallaabo ka dhan ah diiwaangelinteeda iyo shatigii la siiyay.
Sidoo kale shirkadahan ayaa lagu amray in ay si degdeg ah u joojiyaan in ay lacago ka jaraan ilaallada gaarka ah si loogu wareejiyo dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ilaa iyo inta baaritaannada socdo laga soo gabagabeynaya.