Maamulka NMS oo meesha ka saaraya 191 meyd oo aan la sheegan

0
507

Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda dalka ee Nairobi (NMS) ayaa shaaciyay inuu aasi doono meydad gaaraya 191 oo ilaa iyo hadda aynan la wareegin ehellada dadka geeriyooday.
Tallaabadan ayay NMS qaadi doontaa muddo toddobo cisho gudahood ah sida laga soo xigtay agaasimaha adeegyada caafimaadka ee maamulkan Dr. Ouma Oluga oo qoraal soo saaray.
Dr. Oluga ayaa sheegay in 139 ka mid ah meydadkan ay yaallaan Nairobi City Mortuary tan iyo markii halkaasi la dhigay halka 52 kale laga soo qaadan karo goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Mama Lucy.
Waxaa uu agaasimaha caafimaadka ee NMS sheegay in haddii hal isbuuc gudihiisa aynan ehelladu aqoonsan oo aynan la wareegin meydadka ay meesha ka saarayaan iyagoo cuskanaya heerka caafimaadka dadweynaha ee Public Health Act Cap 242.