Maamulka NMS oo dib u dhigay isticmaalka boosteejada mataatuuda ee Green Park

0
312

Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee NMS ayaa dib u dhigay wakhtiga ay gaadiidleyda mataatuuda adeegsan karaan goobta loogu talagalay in dadweynaha ay ka raacaan baabuurta ee Green Park.
NMS ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in go’aankan lagu saleeyay codsi ka yimid mataatuuleyda caasimadda dalka.
Waxay howlwadeennada ka codsadeen maamulkan inuu muddo dheeraad ah siiyo ka hor inta aynan goobtaasi si rasmi ah ugu wareegin.
NMS ayaa horay u shaacisay in boosteejada Green Park la isticmaali doono laga billaabo 24-ka bisha May oo maanta ku beegan hasa ahaate qorshahan ayaa saacado ka hor la baajiyay.
Agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Cabdalla Badi ayaa qoraalka ku sheegay inay taariikhda xaruntan la adeegsan doono dib ka shaacin doonaan.
Goobta Green Park waxaa rakaabka ku dejin doono sidoo kalena la qaadaya gaadiidka dadweynaha ee u kala goosho waddooyinka Ngong iyo Arwings Kodhek .
Tani ayaa ka mid ah tallaabooyinka la doonayo in lagu xalliyo ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka ee ka jiro bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.