Maamulka dowlad deegaanka Machakos ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin in ay kala xaajoodaan kalkaaliyaasha si loo soo afjaro shaqa joojinta socota.
Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Machakos ayaa isaga tagay goobihii ay ka shaqaynayeen todobaadkii hore markii uu khilaafkii u dhaxeeyay iyaga iyo ismaamulka uu isu bedelay dhaq dhaqaaq warshadeed.
Ku xigeenka barasaabka Machakos Francis Mwangangi ayaa sheegay in maamulka degmada uu diyaar u yahay in uu xaliyo dhibaatada jirta uuna u ogalaado dadka deegaanka inay helaan adeegyo daryeel caafimaad.
Shaqo joojintan ayaa dhaqan gashay ka dib ogaysiis guud ahaan dalka oo dhan laga soo saaray bishii May ee sanadkan kaas oo ay kalkaaliyayaashu dabada ka riixayeen, arrimo ay ka mid yihiin, hirgelinta heshiiska gorgortanka wadareed, dalacsiinta, xawilaada lacagaha laga jarayo sharciga iyo u hogaansami la’aanta wareegtada guddiga mushaharka iyo bixinta ee 2024-ka.
Kalkaaliyayaasha ayaa dalbadeen in maamulka Machakos uu ixtiraamo heshiiska gorgortanka wadareed ee u oggolaaday mushahar kordhin.
Home Wararka Kenya Maamulka Machakos oo soo dhaweeyay wadahadal lala yeesho kalkaaliyaasha si loo gabagabeeyo...