Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan maareeynta isticmaalka dawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ayaa howlgallo uu ka fuliyay gobolka xeebta waxaa uu ku soo xiray 70 qof.
Howlgallada ayaa lagu bartilmaameedsanayay xarumaha sida sharci darrada ah loogu iibiyo dawooyinka caadiga ah, isbitaallada , meelaha lagu keydiyo dawooyinka dabiiciga ah iyo dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha la isku qurxiyo.
Maamulkan ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay inuu gacanta ku dhigay 111 kaartoon oo dawooyin ah.
Waxaa howshan gacan ka gaystay ciidamada booliska iyo waaxda dacwad soo oogidda wadanka.
Sidoo kale 127 xarumood ayaa lagu wargeliyay inay goobahooda xiraan maadaama ay shaqeynayeen oggolaansho la’aan.
21-kii bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii maamulka farmashiyada iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah uu howlgal noocan ah ka sameeyay gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa xilligaasi la xiray 46 qof iyadoo la soo helay 120 oo ah kaartoonnada dawooyinka sharci darrada halka 86 xarumood albaabada la isugu dhuftay.