Saraakiisha Lubnaan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday koonfurta waddaankaas,waxaana ku dhintay ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan seddax carruur ah.
Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan, Nawaf Salam ayaa sheegay in ay tahay dambi ka dhan ah dadka rayidka ah iyo fariin cabsi gelin ah oo ku socota dadka ku soo laabanaya koonfurta.
Madaxweyne Joseph Aoun oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna ku tilmaamay mid xasuuq ah.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dalalka “inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay ka baxdo dhulka Lubnaan ayna u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta”.
Israel iyo Hezbollah ayaa ku heshiiyey in ay joojiyaan colaada bishii November ee sanadkii hore ka dib markii in ka badan sanad uu socday dagaal xuduudeedka.
Sida heshiiska uu dhigayo, waxay ahayd in labada dhinacba ay ka soo baxaan koonfurta Lubnaan, balse Israa’iil waxay ciidamadeeda uga tagtay ugu yaraan shan goobood, waxayna sii waday duqaymaha ay ku hayso dalkaas, iyadoo sheegtay inay uga golleedahay inay ka hortagto Xisbullah inay dib u dhisto awooddeeda.