Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in dad reer Baydhabo ah ku dhaawacmeen diyaaradda burburtay

0
487

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd Shirkadda Jubba Airweys ee maanta barqadii ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ay Magaalada Baydhabo ka qaadday 33 qof oo ay laba Carruur ah ku jiraan.
Wasiirka oo Garoonka diyaaradaha Baydhabo Warbahinta kula hadlay ayaa sheegay in dadka rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda qaarkood ay ku dhaawacmeen shilkaas, islamarkaana diyaaradda ay cilad farsamo ku timid xilligii ay degi rabtay.
Waxaa uu xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu aad uga xun yahay dhacdadaas, sidoo kalena ay ka warqabi doonaan cid kasta oo wax ku noqotay, isaga oo u rajeeyay caafimaad degdeg ah.