Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in dhaqaalaha wadanka uu aad u liito balse maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii dib loogu soo nooleyn lahaa.
Waxaa uu ku celceliyay inay diiradda saarayaan sare u qaadidda wax soo saarka beeraha oo uu ku tilmaamay halbowlaha dhaqaale .
Waxaa uu qiray in gudaha dalka ay ka jirto cunno yari ay sababtay abaarta daba dheeraatay.
Ruto ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ee abaarta aan horay loo arag ku dhawaad 50 sano.
Waxaa uu u mahadceliyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, madaxda ismaamullada iyo saaxiibbada dhanka horumarka ee Kenya oo iska kaashanaya in loo gurmado dadka ay abaarta saameysay.
William Ruto waxaa uu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay qimaha bacriminta caalamka uu laba jibbaarmay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu jiro hoos u dhac dhan 10 milyan oo kiis marka la eego wax soo saarka galleyda ee gudaha wadanka.
Ruto waxaa uu cadeeyay in loo baahan yahay in laga gudbo ku tiirsanaanta roobka oo xooga la saaro nidaamka waraabka ee beeraha.
Sidoo kale waxaa uu yiri waa qasab in aan saboolnimada cirib tirno.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in beeralayda laga caawin doono dhanka agabka iyo xirfadaha wax soo saarka.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu sii jiri doono qorshaha ay Kenya dibadda uga soo dejinaysa bacriminta.
Ruto ayaa cadeeyay in qorshaha mustaqbalka ee dowladda uu yahay in bacriminta lagu sameeyo gudaha dalka.
Waxaa uu ballanqaaday in la qodaya ugu yaraan 100 ceel biyood ah.
Sidoo kale waxaa la xoojinaya beeridda bariiska oo meelaha ka faa’iidaysanaya ay ka mid yihiin beeraha Raaxoole ee ismaamulka Garissa.
Qorshaha dowladda ee dhanka guriyeynta ayaa ah in sanadkiiba la dhiso ilaa 200,000 oo guri.
Hadda waxaa la dhameeyay 2592 oo guriyo ah waxaana gacanta lagu hayaa 40,000.




