Maamulka KEMSA oo lagu amray inuu qof shaqaale ah siiyo 1.5 milyan oo shilin

0
301

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) ku amartay inuu mid ka mid ah shaqaalaheeda siiyo lacag magdhow oo dhan 1.5 milyan oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii qofkan si sharci darro ah looga wareejiyay xarunta Nairobi oo la geeyay ismaamulka Mombasa.
Christine Mwangi oo xisaabiye ah ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah go’aanka maamulka KEMSA ee looga wareejiyay goobteeda shaqo.
Waxay sheegtay in tallaabadaasi la qaaday ka dib markii ay shaaca ka qaadday wax isdaba marino dhanka maaliyadda ah.
Garsoore Stella Rutto oo ka howlgasho maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa go’aamisay in maamulka sare ee KEMSA uu ku xadgudbay xuquuqda Christine Mwangi.