Maamulka maareynta garoomada diyaaradaha dalka ee (KAA) ayaa shaaciyay in la soo gabagabeeyay howlo dayactir ah oo ka socday garoomada yaryar ee diyaaradaha ee magaalooyinka Kakamega, Kitale iyo Migori.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu yareynaya ciriiriga ka jiro gagida diyaaradaha ee ismaamulka Kisumu sidoo kalena sare loogu qaadaya adeegsiga hawada sare ee gobolka.
Agaasimaha guud ee maamulka KAA ,Alex Gitari ayaa sheegay in isku xirka garoomada maxalliga ah ay dardargelin doonto ganacsiga oo ayna safarrada ka dhigaysa kuwa aan lagu dhibaatoon.
Waxaa uu Gitari sheegay inay ku faanayaan taageeridda horumarkan si loo kabo baahiyaha dhanka duullimaadka ee gobolka.
Dayactirka garoonka yar ee diyaaradaha ee Lichota ee ismaamulka Migori ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 310 milyan oo shilin, garoonka diyaaradaha ee Kakamega oo ay hadda ka dib adeegsan doonaan diyaaradaha waawayn waxaa lagu qarash geliyay 174 milyan oo shilin halka midka magaalada Kitale ee dowlad deegaanka Trans Nzoia ay ku baxday 221 milyan oo shilin.
KAA ayaa laga soo xigtay in garoomada diyaaradaha ee Kakamega iyo Migori ay door muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta dalxiiska halka gagida yar ee diyaaradaha ee Kitale laga gudbin doono badeecooyinka.
Mr.Gitari, agaasimaha guud ee maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ayaa sidoo kale shaaciyay in la ballaarin doono gagida diyaaradaha ee Kabunde Airstrip ee ismaamulka Homa Bay si dib loogu soo nooleeyo oo loo kobciyo safarrada gudaha wadanka.
Plans are in place to expand the runway at Kabunde Airstrip. We're also in the final stages of scoping and designing the airstrip’s terminal building. – KAA MD, Alex Gitari pic.twitter.com/aSNFpMKAEb
— Kenya Airports Authority (@KenyaAirports) June 12, 2023