Maamulka Jubilee oo sheegay inuu fududeeyay maalgashiga

0
548

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda dhexe ay sanadihii ugu dambeeyay hormuud u ahayd isbeddelo dhanka ganacsiga ah.
Maamulka Jubilee ayaa tilmaamay inuu si tartiib ah meesha uga saaray caqabado ku hor gudbanaa in gudaha dalka laga sameeyo maalgashi ballaaran.
Bayaanka dowladda waxaa ku cad in isbeddelladan ay fursad siiyeen waaxyaha gaarka ah oo kaalin weyn ku leh horumarka dalka.
Tallaabooyinka ay dowladda dhexe qaaday ayaa horseeday in Kenya ay liiska wadamada caalamka ka gasho nambarka 56-aad marka la eego sida ay u fududahay in lagu dhex ganacsado.
Warbixinta oo uu soo saaray bangiga adduunka ayaa muujinaysa in Kenya ay dhanka maalgashiga tan iyo sanadkii 2014-kii kaga horumartay 80 waddan.