Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16 kursi ee taalla Gobolka Gedo, kuwaasoo doorashadooda lagu qabanayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Kuraastaan ayaa doorashadooda muddo khilaaf uu ka taagnaa, iyadoo laga soo wareejiyay xarunta degaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaareey, waxaana Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegeen in doorashadooda la qabanayo 18 ilaa 27 Bishaan ayna ka dhaceyso degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
16 kursi ee doorashadooda todobaadka soo socda Jubbaland qabaneyso ayaa waxaa ay kala yihiin.
1: HOP#065 oo uu ku fadhiyo Jibriil Cabdirishiid Xaaji.
2: HOP#078 oo dhowrkii sano ee la soo dhaaday ay ku fadhisay xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.
3: HOP#087: oo uu ku fadhiyo xildhibaan Maxamed Cali Xuseen.
4: HOP#090 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.
5: HOP#091: oo u ku fadhiya xildhibaan Aadam Isaaq Cali Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta.
6: HOP#100 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdulcaziz Cabdullaahi Yuusuf (Dhagaqool).
7: HOP#102 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.
8: HOP#110: oo uu ku fadhiyo xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.
9: HOP#116 oo uu ku fadhiyay xildhibaan Cabdulqadir Aadan Nuur.
10: HOP#117: oo uu ku fadhiyo xildhibaan Haashim Nuur Aadan.
11: HOP#119 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo hadda ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
12: HOP#122: oo uu ku fadhiya xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).
13: HOP#123: oo uu hada ku fadhiyo xildhibaan Maxamuud Cali Magan.
14: HOP#125: oo uu ku fadhiyo xildhibaan Daleys Xasan Aadan.
HOP#131 oo uu ku fadhiyo xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.
HOP#216: oo uu hada ku fadhiya xildhibaan Cabdi Cali Xasan.




