Maamulka isgaarsiinta dalka ee (CA) ayaa sheegay inuu baaritaano ku hayo dhammaan leemanka la geliyo taleefoonnada gacanta ee lagu diiwaangeliyay magaca baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka, Ezra Chiloba oo ka soo hormuuqday guddiga uu aqalka sare u xil saaray baaritaannada meydadka lagu arkay keynta Shakahola.
Chiloba ayaa xusay inay eegayaan ilaa afar ka mid ah leemanka Safaricom iyo labo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Telekom oo uu isticmaalo baadariga.
Sidoo kale madaxa guddiga CA ayaa xusay inay haayaan macluumaad Mackenzie la xiriirinaya leeman kale oo ah kuwa Airtel in kastoo aan arrinkan faahfaahin dheeraad ah laga hayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka taabacsan baadariga ay lacago ugu soo diri jireen leemanka hadda la baaraya.