Maamulka isgaarsiinta ee dalka oo beeniyay war lagu faafiyey baraha bulshada

0
619

Maamulka isgaarsiinta ee dalka ee (CA) oo bayaan soo saaray ayaa beeniyay in xogta la xiriirta halkii uu ku sugnaa Albert Ojwang oo dhawaan geeriyooday uu la wadaagay saraakiisha booliiska ee tagay ismaamulka Homa Bay si ay shakhsigan gacanta ugu soo dhigaan.
CA ayaa warkaasi ku tilmaantay mid aan sax ahayn oo dadweynaha lagu marin habaabiyey.
Maamulka ayaa hoosta ka xarriiqay in uu maareeyo shirkadaha isgaarsiinta sidaasi awgeedna uu iska fogeynaya ku lug lahaanshaha fududeynta howlgalkii lagu soo xiray Albert.
CA waxay intaasi ku dartay in aynan billaabin, amar ku bixin sidoo kalena ka qayb qaadan adeegsiga xogta ay hayaan shirkadaha u diiwaangashan ee isgaarsiinta si howlgal loo fuliyo.
Arrintan ayaa timid saacado un ka dib markii taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr.Douglas Kanja uu senatarrada aqalka sare u sheegay in saraakiishii baaritaanka ku sameynayay Albert ay macluumaadkiisa barta X ka heleen maamulka isgaarsiinta dalka ee CA.