Maamulka isgaarsiinta dalka ayaa shaaciyay inuu bannaan yahay xilka agaasimaha guud oo uu toddobaad ka hor iska casilay Ezra Chiloba .
Dadka daneynaya jagadan ayaa haysta ilaa 5-ta galabnimo ee 17-ka bisha 11-aad ee sanadkan oo ah maalinka ugu dambeeya ee codsiyada la qabanaya.
Waxaa qofka laga doonaya inuu leeyahay ugu yaraan 10 sano oo ah khibrad shaqo oo la xiriirta maamulka waaxyaha isgaarsiinta , ICT-da ama warfaafinta.
Ezra Chiloba ayaa is casilay ka dib markii lagu eedeyay habdhaqan xumo baahsan iyo ku tagriifalka awoodiisa xafiiseed.
Waxaa lagu eedeyay inuu codsaday oo uu isku ansixiyay amaah dhanka guriyaha ah isagoo aan marin hab-raaca habboon in kastoo uu dhaliishaasi iska fogeeyay.