Maamulka isgaarsiinta dalka oo ka hor tagaya qalabka kontarabaanka ah

0
297

Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka (CAK) Ezra Chiloba ayaa kenyaanka u xaqiijiyay inay diyaar u yihiin ka hor tagga in wadanka la soo geliyo qalabka kontarabaanka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay caqabad taagan balse ay si wayn ula dagaallami doonaan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shir ka furay ismaamulka Kisumu.
Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in qalabka kontarabaanka ah ee tayo ahaan hooseya ee dalka la soo geliyo ay halis ku tahay macaamiisha.