Maamulka isgaarsiinta dalka ee (CAK) ayaa sheegay in shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Safaricom iyo Airtel ay boqolkiiba 97 u hoggaansameen shuruudihii laga doonayay ee diiwaangelinta macluumaadka macaamiishooda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka Ezra Chiloba Simiyu xilli uu ka qayb galay munaasabad maanta lagu soo bandhigayay waxyaabaha muddo hal sano ah u qabsoomay wasaaradda isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda dalka.
Chiloba ayaa heerka laga gaaray diiwaangelinta macluumaadka leemanka taleefoonada lagu isticmaalo u aaneeyay olole qaran oo la daahfuray.
Diiwaangelinta ayaa looga gol-leeyahay in lagula tacaalo falal dambiyeedyada lagu fuliyo taleefoonnada, kuwa intarneetka , argagixisannimada iyo dembiyo dhaqaale oo kale.
Shirkadaha isgaarsiinta ayaa laga doonaya inay cusbooneysiiyaan macluumaadka macaamiishooda iyadoo la adeegsanaya sawir yar iyo aqoonsiga qaran ama baasaboor.
Home Wararka Kenya Maamulka isgaarsiinta dalka oo ka hadlay u hoggaansanka xeerarka diiwaangelinta leemanka taleefoonada