Maamulka IPOA oo soo bandhigay qorsho uu ku shaqeyn doono 5 sano

0
221

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa istaraatiijiga ee muddada Shanta sano ah.
Waxaa qorshahan looga gol-leeyahay sare u qaadidda la xisaabtanka booliiska.
Maamulka ayaa sheegay in dhaqangelinta qorshahan ay ku baxaysa lacag dhan 13.1 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha IEBC, Axmad Isaaq Xasan ayaa xusay in ay jiraan 77 baarayaal ah iyadoo tirada dambi baarayaasha ee loo baahan yahay ay tahay 400.
Wuxuu intaasi ku daray in tani ay tahay sababta ay muddo dheer u qaataan baaritaannada cabashooyinka ay soo gudbiyaan dadweynaha ee ka dhanka ah saraakiisha booliiska.
Sidoo kale , IPOA ayaa hoosta ka xarriiqday in shaqaalaheeda ay yihiin 289 qof in kastoo loo oggol yahay ilaa 1,377 howlwadeenno ah.
Mas’uuliyiinta maamulkan ayaa ku celceliyay in ay u baahan yihiin miisaaniyad iyo howlgelinta shaqaale dheeraad ah si loo xoojiyo la xisaabtanka in ka badan 130,000 oo booliis ah guud ahaan waddanka.