Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay xil ka qaadista Cali Jayte

0
286

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeyay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan in isaga iyo siyaasiin kale ay ka horyimaadeen mideynta canshuurta gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle inteeda kale.
Sidoo kale maamulka ayaa sheegay in tillaabo ay ka qaadi doonaan haddii Cali Jayte u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo guddomiye Cali Jeyte uu sheegay in laga billaabay shalay uu gobolka Hiiraan isaga baxay maamulka Hirshabeelle, isagoo ku baaqay shirweyne lagu dhisayo maamul uu ku sheegay magaciisa “Hiiraan State”.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Cali Jeyte ayaa laga cabsi qabaa in khilaaf ka dhaliso gobolka Hiiraan.