Maamulihii hore ee madaxtooyada dalka oo la aasay

0
681

Waxaa ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley lagu aasay Abraham Kiptanui oo horay u soo noqday maamulaha madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu mas’uulkan hore geeriyooday.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay barasaabka ismaamulkaas Uasin Gishu Jackson Mandago ayaa Kiptanui ku tilmaamay shakhsi kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha horumarka.
Waxaa lagu ammaanay in uu carruur badan oo danyar ah fursad u siiyay in ay waxbarasho helaan.
Abraham Kiptani ayaa la soo shaqeeyay madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Arap Moi ilaa 1996-dii xilligaas oo uu howlgab noqday.