Maamule la xiray ka dib markii isagoo daroogaysan uu tagay goobta laga qaado warqadaha imtixaanka

0
360

Waxaa xabsiga loo taxaabay maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Nthonzweni ee ismaamulka Makueni .
Tani ayaa timid ka dib markii uu tagay goobta laga qaado warqadaha imtixaanaadka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Bayaan ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in Martin Muteti uu hadda ku jiro saldhiga booliiska ee Mukuyuni.
Golaha imtixaannada qaran ee KNEC iyo guddiga adeegga barayaasha ee TSC laantiisa Makueni ayaa amar ku bixiyay in maamulaha si degdeg ah loogu beddelo ku xigeenkiisa John Kitusa.
In ka badan 1.6 milyan oo arday ah ayaa maanta soo gabagabeeyay imtixaannada fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo qiimeynta fasalka 6-aad ee Grade 6 ee KPSEA oo ay soo billaabeen maalinkii Isniinta ee toddobaadkan.