Waxaa xukun xabsi oo 15 sano ah lagu riday maamule dugsi oo ku eedeysan inuu ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ku faraxumeeyay gabadh.
Maamulaha oo ay da’diisu tahay 47 sano ayaa dhibaatadan u gaystay gabadha oo da’deeda lagu sheegay 16.
Waxay gabadhan ka mid tahay ardayda sanadkan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Maamulaha ayaa sida maxkamadda loo sheegay , waxaa uu gabadha u ballan qaaday inay natiijo wanaagsan ka soo hooyn doonto imtixaanka.
Athman Maxamad Jillo, ayaa waxaa xukunka ku riday garsooraha maxkamadda Hola, Benson Kabanga.
Xaakinka ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo uunan shaki ku jirin.
Dacwad oogayaasha oo uu hor kacayay Michuki Alfred ayaa soo bandhigay ilaa 8 marqaati ah oo maamulaha ku cadeeyay falka uu gaystay.
Garsoore Kabanga ayaa sheegtay in macallinka uu dayacay mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta ardaydiisa.




