Waxaa dunida maanta laga xusaya maalinta adduunka ee qaxootiga.
Dhammaadkii sanadkii hore ee 2022,tirada qaxootiga ee guud ahaan caalamka ayaa lagu sheegay 35.3 milyan oo qof .
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa tiradan ku sheegtay koror ah ugu yaraan 8 milyan marka loo barbardhigo sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii.
In ka badan boqolkiiba 52 ee qaxootiga caalamka waxay ka soo jeedaan saddex dal oo kala ah Syria (6.5 milyan), Ukraine (5.7 milyan) iyo Afghanistan oo ah (5.7 milyan oo qof).
Tirada qaxootiga ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay in ka badan laba jibbaar noqotay maadaama ay sanadkii 2011-kii ahayd 15 milyan .