Maalinka Talaadada oo la soo saari doono warbixinta saadaasha roobabka

0
346

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa sheegay in abaare 3-da galabnimo ee Talaadada ay filayaan in lala wadaago warbixin ku aaddan waxyaabaha la rajeynaya toddobaadyada dambe ee dhanka saadaasha ah.
Waxaa uu Mwaura xusay in ay rajeynayaan in maalmaha Isniinta iyo Talaadada aynan roobabku noqon kuwo u culus sidii hore.
Hasa ahaate waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay u wareegaan meelaha ay ku badbaadi karaan gaar ahaan kuwa deggan hareeraha webiyada iyo ilaha biyaha ee kale.
Issac Mwaura, afhayeenka dowladda sare ayaa dhanka kale sheegay in biyo xireennada toddobada ah ee loo yaqaano Seven Forks ay qarka u saaran yihiin in ay buuxsamaan sidaasi awgeedna dadweynaha laga doonaya in ay taxaddar muujiyaan.