Madaxweynihii hore ee dalkani kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday sida uu dhawaan xaqiijiyay madaxweynaha wadanka Uhuru kenyaatta.
Mwai Kibaki ayaa ku dhintay da’da 90 sano jir, waxaa uuna ahaa maadxweynihii saddexaad ee Kenya soo mara.
Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa sheegay in dalka uu geli doono xaalad baroor diiq ah inta laga aasayo Mwai Kibaki.
Waxaana hoos loo dhigi doona calanka Kenya sida uu amray Mr.Kenyaatta.
Madaxweynihii hore ee kenya Mwai Kibaki ayaa dalka soo maamulayay sanadihii 2002-dii ilaa 2013-kii.