Maadxweyne Ruto oo maanta kulan la yeeshay madaxda amniga

0
362

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyayaasha Ammaanka iyo Saraakiisha Maamulka Qaranka.
Intii kulanka uu socday Madaxweyne Ruto ayaa ku booriyay inay hormuud ka noqdaan midnimada, ilaalinta amniga qaranka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka Douglas Kanja, iyo ku xigeenadiisa iyo sidoo kale agaasimaha dambi baarista ayaa goob joog ka ahaa kulanka.
Kulankan ayaa yimid kadib mudaaharaadkii 25-kii bishan June oo ay dowladdu ku adkaysanayso in uu ahaa mid qorshaysan oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka oo lagu doonayey in lagu badalo nidaamka, waxaana ay intaa ku dartay in ay soo ururisay cadaymo cad oo farta loogu fiiqi karo dadkii soo abaabulay iyo kuwii maalgeliyay.
Madaxweyne William Ruto ayaa shalay ku tilmaamay mudaaharaadyadii ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof inay ahaayeen ‘qalalaase iyo qaran dumis.
Mudaaharaadyada ayaa Arbacadii ka dhacay guud ahaan ismaamulada kala ah Nairobi, Kisii, Mombasa, Nyeri, Nakuru, iyo Eldoret, iyadoo dhalinyarada ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo dalbanaya in cadaaladda ay helaan dhibanayaasha rabshadihii sannadkii hore, la xisaabtanka booliska, iyo dib u habeyn lagu sameeyo maamulka.
Booliska ayaa lagu eedeeyay intii uu socday dibadbaxa in ay adeegsadeen rasaas nool taaso keentay dhimasho badan.
Xarrumo ganacsi ayaa la burburiyay intii mudaaharaadka uu socday iyadoo khasaaro xoogan uu soo gaaray qaar ka mid ah ganacsatada bartmaha caasimada dalka ee Nairobi.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in in ka badan 300 oo askari oo booliis ah ay ku jiraan dadka dhaawacmay, qaarkoodna ay soo gaareen dhaawacyo noloshooda wax ka beddelaya.