M-Pesa Foundation oo isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka ka dhisaysa Kisumu

0
293

M-PESA Foundation oo ka mid ah laamaha tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa ismaamulka Kisumu ka hirgelinaysa isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka.
Waxaa barnaamijkan ku baxaysa lacag dhan 16 milyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ismaamulkaasi laga bixiyay daryeel caafimaad oo ay ka faa’iidaysteen ugu yaraan 2,000 oo qof.
Waxaa la filayaa in isbitaalka laga dhisaya Kisumu ay ka faa’iidaystaan ilaa 10,000 oo qof.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o.