Shirkadda tabarucaadda ee M-Pesa Foundation ayaa si rasmi ah u daahfurtay dhisidda fasallo laga hirgelinaya dugsiyada hoose dhexe ee Maisha Masha iyo Mtangawanda ee ku yaalla ismaamulka Lamu.
Waxaa mashaariicdan ku baxaysa lacag dhan 115 milyan oo shilin.
Dugsiga hoose dhexe ee Maisha Masha ee degmada Witu,Galbeedka Lamu waxaa 70 milyan oo shilin lagu dhisaya 12 ah fasallo cusub.
Waxaa sidoo kale halkaasi laga hirgelinaya qaybta ardayda loogu kariyo cunnada oo qalabeysan, shaybaarrada maadooyinka sayniska iyo ICT-da si loogu barto xirfadaha casriga ah.
M-pesa Foundation ayaa sidoo kale qodi doonto ceel biyood sida ay sheegtay Patricia Ithau oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddan.
Dugsiga hoose dhexe ee Mtangawanda oo ku yaalla Bariga Lamu ayay M-Pesa Foundation ku maalgelinaysa 45 milyan oo shilin oo fasallo loogu dhisaya ardayda , shaybaarka ICT-da , xafiisyada macallimiinta iyo ceel biyood si loo daboolo baahida dhanka biyaha ee ka jirta aaggaasi.
Waxaa caqabaddan ka hadlay Cabdalla Axmad Bini oo ah maamulaha dugsiga Mtangawanda.
Barasaabka ismaamulka Lamu Issa Timamy ayaa shirkadda M-Pesa Foundation uga mahadceliyay mashaariicda dhanka waxbarashada iyo biyaha ee ay ka fulinaysa dowlad deegaankaasi.
Shirkadda ayaa barnaamijyo noocani ah horay uga hirgelisay ismaamullada Homa Bay, Meru, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Bungoma, Baringo, Bomet, Siaya, Migori , Vihiga iyo kuwo kale.