M-PESA Foundation oo daryeel ka dhan ah isku furanka u fulinaysa in ka badan 100 haween ah

0
594

Waxaa la filayaa in ugu yaraan 100 haween ah ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.
Barnaamijkan ayaa waxaa iska kaashanaya laanta tabarucaadda ee M-PESA Foundation, wasaaradda caafimaadka iyo hay’ado kale.
Daryeelkan oo ay ku baxaysa lacag dhan 8.5 milyan oo shilin ayaa laga fulinaya ismaamulka Makueni waxaana haweenka looga daaweynaya xaaladda caafimaadka ee isku furanka.
Waxaa uu barnaamijkan muddo toddobaad ah ka socon doonaa isbitaalka guud ee Makueni .