Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo adeegsanaysa laamaheeda tabarucaadda ee kala ah Safaricom Foundation iyo M-PESA Foundation ayaa mashaariicda dhanka waxbarashada ee ismaamullada Kisumu iyo Vihiga ku bixisay in ka badan 55 milyan oo shilin.
Dowlad deegaanka Vihiga gaar ahaan dugsiga hoose dhexe ee Ekwanda ayaa waxaa loo dhisay 15 fasallo ah, xafiiska macallimiinta, sheybaarka ICT-da, qaybta cuntada lagu kariyo iyo meelaha gacmo-dhaqashada.
Henry Kilonzo oo ah maareeyaha sare ee barnaamijyada Safaricom Foundation ayaa sheegay in tani lagu taageeraya helidda tacliin tayo sare leh.
Maareeyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay barnaamijyo ka fulinayaan dhammaan ismaamullada waddanka.
Wuxuu sheegay in waxbarashada ay aad muhiim u tahay maadaama ay carruurta awood u siinaysa in ay mustaqbalka noqdaan dad bulshadooda anfaco.
Waxaa uu intaasi ku daray in dugsiga ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ee Kibos ee ismaamulka Kisumu laga hirgeliyay qaybta jiifka oo si buuxda loo qalabeeyay .
Waxaa uu xusay in qaybtaasi ay ku diyaarsan yihiin 48 sariirro ah iyo 96 joodariyaal ah oo ay ku baxday 10 milyan oo shilin.
Tan iyo markii la billaabay waxay Safaricom mashaariicda waxbarashada ee ismaamullada Kisumu iyo Vihiga ku kabtay ilaa 512 milyan oo shilin oo wax ka beddeshay nolosha in ka badan hal milyan oo qof.