Hay’adda tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee M-PESA Foundation ayaa 30 milyan oo shilin u qoondeysay in lagu caawiyo 3,000 oo ka mid ah qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.
M-PESA Foundation oo kaashanaysa Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa dhaqaalahan u adeegsan doonta in cunto iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah loogu iibiyo qoysaskan oo ku nool ismaamullada Nairobi, Tana River iyo Kisumu .
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday Joseph Ogutu oo ah guddoomiyaha Safaricom Foundation.