Luul aabbaheed: Waa ku faraxsanahay inaan helnay caddaaladdii aan muddada dheer raadinaynay inkastoo ay fulintii dhiman tahay

0
250

Sheekh Cabdicasiis Maxamad oo ah aabbaha dhalay Luul ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ee maaanta ay xukunka ugu ridday dembiile Sayid Cali Macallin Daa’uud.
Sheekh Cabdicasiis ayaa warbaahinta uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay heleen caddaaladdii ay muddada dheer raadinayeen.
“Wallaahi lama soo koobi karo farxadda, maxaa yeelay caddaalad ayaa meesha la raadinayay cadaaladdiina alxamdulillahi waa la helay, inkastoo ay fulintii dhiman tahay, haddee shucuurteyda iska dhaafee dadka kale ayaad ka dareemi kartay” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis.
Waxaa uu intaasi ku daray in xukunkan uu ahaa mid ay filayeen islamarkana uu eedeysanaha qudhiisa qirtay wax walbana ay caddaayeen.
“Sadar muuqda su’aal ka dhan ayaa la yiri, marka meeshaan wixii wuu qirtay wuuna sheegay in saa loo daahiyo ayaaba khalad ahayd,” ayuu raaciyay .
Cabdicasiis ayaa dhanka kale wax laga weydiinnay goorta la aasayo maydka gabadhiisa ayaa sheegay in ballantii uu qaaday ay ahayd in hal mar la aaso gabadhiisa iyo Sayid Cali.
Hasa ahaate, waxaa uu farta ku fiiqay in maadaama imika xukunka racfaan laga qaadanayo islamarkana billooyin inay qaadato laga yaabo ay qoyska ka tashanayaan sida laga yeelayo meydka Luul.
“Ballantii ugu horreysay iyo hadalkii aan ku hadlaynay wuxuu ahaa in la isla duugo marka wax lala duugayo ma laha, sababtoo ah hadda iyo racfaan iyo afar bilood waaye marka waa laga tashanayaa wax weeyn ma aha,” ayuu yiri.
Sheekh Cabdicasiis ayaa xusay in qoyska aysan qorshe ugu jirin waanwaan ama inay mag qaataa, sababtana ay tahay qaabka xun ay gabadhiisa u geeriyootay.
Waxaa uu dhanka kale hoosta ka xarriiqay inuu doonayo in gabadhiisa ay tusaale u noqoto gabdhaha kale ee Soomaaliyeed oo cadaalad ay heshay gabadhiisa ay ku badbaadi karaan gabdho badan.
“Sideedaba annaga mag ma qaadanno waliba cafiskeenna ayaa badan marka tan qaab darrada gabadha loo dilay iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah berri ka maalin aysan waddo u noqonin oo sidii loo dilay gabadheyda marka gabdhihii kale in sidaas loo gubin ayaan ku talagalnay.” ayuu yiri.