Lubnaan oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay cabasho uga gudbisay Israa’iil

0
201

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan ayaa Isniintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cabasho uga gudbisay Israa’iil, iyada oo ku eedeysay xadgudub joogto ah oo ku saabsan madaxbannaanideeda.
Cabashada ayaa faahfaahisay xadgudubyada Israa’iil ay ka geysatay Lubnaan intii u dhaxaysay Oktoobar ilaa Diseembar 2025-kii, iyadoo la diiwaangeliyay 542 xadgudub bishii Oktoobar, 691 bishii Noofembar, iyo 803 bishii Diseembar.
Wasaaradda ayaa ku tilmaantay dhacdooyinkaas kuwo si cad ugu xadgudbay madaxbannaanida Lubnaan, isla markaana ku eedeysay Israa’iil inay ku guul darreysatay inay u hogaansanto Qaraarka 1701 ee Golaha Ammaanka iyo joojinta dagaalka bishii Noofembar 2024-kii.
Lubnaan ayaa Golaha Ammaanka ku boorisay in lagu qasbo Israa’iil inay fuliso qaraarka, ka baxdo shanta meelood ee ay weli ku sugan tahay koonfurta Lubnaan, sii deyso maxaabiista Lubnaan, isla markaana joojiso ku xadgudubyada joogtada ah.