Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada waddanka ee LSK ayaa wacad ku maray inuu tallaabo sharciyeed ka qaadi doono ciidamada ammaanka ee ku xadgudbaya dibadbaxayaasha ka soo horjeeda hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Madaxa LSK Faith Odhimabo ayaa sheegtay in dastuurka dalka uu kenyaanka xaq u siinaya in iyagoo aan la cabburin ay muujiyaan dareenkooda.
Waxay intaasi ku dartay in ka urur ahaan ay baaritaano ku sameynayaan dhacdooyin lagu waxyeelleeyay dibadbaxayaal aan hubeysnayn.