LSK oo sheegtay inay billaabaysa howlgal qaran oo ka dhan ah qareennada been abuurka ah

0
224

Ururka garyaqaannada dalka ee (LSK) ayaa shaaciyay inuu guud ahaan wadanka ka billaabaya howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanaya shakhsiyaadka si been abuur ah ugu shaqeysto qareennimada.
Madaxa LSK Eric Theuri ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgalkan ay la kaashan doonaan ciidamada booliiska iyo xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani looga falcelinaya cabashooyin badan oo ay dadweynaha soo gudbiyeen.
Mas’uulkan ayaa xusay in ururka LSK uu ilaa afar cabasho oo dadweynaha ka timid uu ka diiwaangeliyay gudaha ismaamulka Nairobi iyadoo dhacdooyinkan lagu wargeliyay saldhigyada booliiska ee Kilimani iyo bartamaha caasimadda dalka.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa walaac ka muujiyay in shakhsiyaad u ballanqaaday inay u fidinayaan adeegyo dhanka sharciga ah ay khiyaaneen.
Eric Theuri ayaa laga soo xigtay in dadka lagu caddeeyo inay ka been sheegaan si khaldanna u adeegsadaan xirfadda qareennimo in laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgallada ay hoggaamin doonaan mas’uuliyiinta xafiisyada LSK ee sideedda gobol ee dalka.
LSK ayaa digniin u dirtay qof waliba oo sheeganaya inuu qareen yahay isagoo aan haysan shahaado rasmi ah.
Sidoo kale ururkan ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in dadka ay u raadsanayaan adeegyada dhanka sharciga ay macluumaadkooda ka xaqiijiyaan lifaaqa ah https://online.lsk.or.ke/