LSK oo sheegtay in dibadbaxyadii Azimio carruur lagu dhibaateeyay

0
305

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin uu sheegay in carruur loo gaystay xilliyadii ay socdeen dibadbaxyadii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Madaxa LSK,Eric Theuri ayaa sheegay in carruur badan gacanta lagu dhigay tani oo liddi ku ah dastuurka dalka.
Waxaa uu adeegga qaran ee booliiska ee NPS, xafiiska dacwad oogidda ee ODPP iyo waaxda garsoorka ee dalka ugu baaqay inay xaqiijiyaan ilaalinta xuquuqda carruurta.
Dhanka kale guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA ka dalbaday inuu baaritaano ku sameeyo awoodo xad dhaaf ah oo ciidamada ammaanka lagu eedeyay inay u adeegsadeen dibadbaxayaal iyo wariyaal.